Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Oo Beeniyay In Beesha Caalamka U Diideen Doorashadaasi.

0
32

Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in la qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddiga doorashadaasi waxa ay beeniyeen warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Xubno beesha Caalamka ka socda oo codsaday in Kor joogto ka noqdaan doorashadaasi u diideen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa gaashaanka u daruuray warkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in aanu jirin xubno ka socda beesha Caalamka oo dalabkaas u soo gudbistay ee iyaguna ay ku gacanseereen.

Maalinta berri ah oo ku asteysan 30 Bisha April 2018 ayaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here