Lix Ruux Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Geeriyooday Fatahaada Wabiga Shabeelle

0
56

Fatahaadii uu sameeyey wabiga Shabeelle ayaa saameyn waxa uu ku yeeshay Boqolaal Qoys oo ku noolaa Gudaha Magalada Baladweyne kuwaas oo hadda Magalada banaanka ka joogaan.

Daadadka Biyaha ka soo fatahay  Wabiga ee Baladweyne ayaa sababay dhimasho iyo barakac intaba halka weli Xaafadaha qaar ee Baladweyne ay ku go’doonsan yihiin Qoysasa oo ay la’yihiin halkii ay u bixi lahaayeen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaannada Hir-Shabeelle ayaa sheegay in fatahaadaas Wabiga uu sababay dhimashada lix ruux halka kumaan kale ay barakaceyn.

“Xaqiiqdii lix ruux ayan maqlay oo isku qoys ah in ay geeriyoodeen kadib markii Gaari ay saarnaayeen uu dhulka ku dumay kadib markii Gaarigii uu ku dhacay boosaneerka oo la waayey gebigood welina dhibaatada waa ay sii kordheysaa dad ayaa jira weli banaanka gurigooda ku hoyana oo gurmad u baahan ayuu yiri xildhibaanka”

Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Magalada Baladweyne ayaa siweyn looga dareemay Caalamka,waxana dowaldda Soomaaliya ay isku howshay sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here