Wargeys u gaar ah arrimaha Teknoolojiyada oo la soo saaray

0
29

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa soo saartay wargeys u gaar ah Wasaaradda oo lagu soo bandhigo waxqabadka Wasaaradda iyo farriimaha ay dooneyso inay gaarsiiso bulshada Soomaaliyeed.

Wargeyska CASRI oo noqon doona 6-biloodle wuxuu sidoo kale soo bandhigi doonaa arrimaha la xiriira horumarka teknoolojiyada casriga ah iyo sidii loo dhiirri-gelin lahaa dadaalladaas.

Qodobada ugu waaweyn ee wargeysku ka hadlayo waxaa ka mid ah guulaha laga gaaray ansixinta sharciga isgaarsiinta, soo-celinta xubinnimada Soomaaliya ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), guulaha laga gaaray boostada iyo qorshayaasha gacanta lagu hayo.

Wargeyska oo loo sameyn doono website u gaar ah wuxuu noqon doonaa meel lagu dhiirri-geliyo teknoolojiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here