Kulan looga hadlayay ka Hortaga iyo Dabar goynta Qabyaalada oo Muqdisho lagu qabtay

0
70

Kulankan ay wada yeesheen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo Golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii bulshada looga wacyi galin lahaa ka hortaga iyo dabar gooynta qabyaalada, Islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ay noqdan kuwa ka shaqeeya nabada iyo hormarka Mustaqbalka dalka, taaasoo qof waliba oo Muwadain ah ku waajibto.

Waxaa la isku raacay in Qabyaalada ay tahay mid burburisay hormarka wadanka iyadoo kala qeybisay bulsho wada dagto taaasoo loo baahan yahay in la isaga kaashado sidi loo dabargoyn lahaa.

Sheekh Axmed Cabdisamad oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyed oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay bulshada inay door ka qaataan suulinta qabyaalada.

Abwaan Xirsi Dhuux oo ka mid ah golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in golaha ay yahiin kuwa mar waliba u tagaan sidi bulshada ugu wacyigalin lahaayeen xoojinta midnimada iyo dabar goynta qabyaalada.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka in ay noqdaan kuwa mar waliba suuliya wax waliba oo karaamada iyo sharafta wax uu dhimaya.

Culimada Soomaaliyeed ayaa Mudooyinkan dambe wadday kulamo wadatashi ah oo ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi galin lahaa dabar goynta Qabyaalada iyo Walaaleynta shacabka Soomaaliyeed.