Sarreeye guud Bashiir Maxamed Goobe oo Hambalyo u diray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA January 8, 2018 660 0

0
56

La-taliyaha arrimaha Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Hambalyo u diray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo  u dabaal dageysa Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Hay’addaasi oo ku beegan Sanadkii 1970-kii.

“Waxaan Hambalyo Leeyahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed NISA oo u dabaal dagaya Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1970, Howsha adage e qaranka aad u heysaan Alle ha idinla garab galo” ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa kamid ah Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in ay ku guuleysatay soo afjarida dhacdooyin dhowr ah oo lagu dabar goynayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.